Cicinho:- Danilo waa Mustaqbal Wanaagan ku Leh Kooxda Real Madrid

0

Daaficii Hore ee kooxda Real Madrid Cicinho ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xidiga daafaca kooxda real Madrid kaga ciyaara ee Danilo kasoo qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigaya Garoonka Bernabeu.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Brazil ayaa booska daafaca Midig kala baxay difaaca heerka caalami ee xulka dalka Spain ee Dani Carvajal’ kadib dhaawac soo gaaray xili ciyaareedkaaN Gudihiisa.

24-jirkaan  ayaa kusoo bilowday 15-kulan kulamada kooxda Los Blancos tan iyo markii uu kaga yimid kooxda Poro  ee dalka Portugal aduun dhan €31.5 million halka Dani Carvajal’ uu kusoo bilowday 6-kulan 7-kulan ee ugu dambeysay.

Dhanka kale Cicinho oo kasoo muuqday kooxda Real Madrid 32-kulan labo xili ciyaareed uu ku sugnaa ayaa sidoo kale aaminsan in qaab ciyaareed wanaagsan uu leeyahay xidiga Carvajal.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here