Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo dhowr ah.
Raisulwasaaraha ayaa kala hadlay culimada saddex arrin oo mihiimad gaara u leh xukuumadda Dan Qaran, kuwaasoo kala ah; gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga.
“Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha.

