Siyaasiyiinta Jubbaland oo ka Hor Yimid Muddo Korarsiga Axmad Madoobe

0

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubaland  oo shir isugu yimid magaalada Muqdisho, waxaana ay si adag uga soo horjeesteen muddo kororsiga Axmed Madoobe ee hal sano loogu darey muddo xileedkiisa.

Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo mar soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ka soo horjeestey.

Fartaag oo lagu tiriyo saaxiibada Axmed madoobe, isla markaana mucaarad ku ahaa madaxweynihi hore Farmaajo oo ay raas ka soo wada jeedaan, ayaa ku tilmaamey muddo kororsiga Axmed Madoobe sharci darro oo aan la aqbali karin

Senator Fartaag oo ayaa baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu diido dhaqan galka mudo kororsigaas, isagoo soo xasuusiyay dhibaatada laga dhaxlay muddo kororsigii hore looga diiday Farmaajo

“Ma filayo muddo kororsigii ay sameeyeen Baarlamaanka Jubbaland ee baal marsanaa dastuurka inuu aqbalayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo aan horay isla diidnay muddo kororsigii dowladdan middii ka horeeyay ay sameysatay oo dalka khal khal gelisay”

Baarlamaanka Jubaland ayaa axadda kulan ay isugu yimaadeen ku beddalay dastuurkooda oo muddo xileedka dhigaayey afar sano, waxaana ay ka dhigeen 5 sano, iyada oo lagu wadey in doorashada Jubaland ay dhacdo August 2023.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here