Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay goordhaweyd Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa oo wada dhinaceeda yaalay lala beegsaday gaari dagaal ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay labada qof ayaa ku geeriyootay kuwaasi oo wadada marayay.
Ciidamo boolis ah uu watay taliyaha saldhigga Hodan Xuseen Cadceed oo tagay halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal kooban, iyagoo gacanta kusoo dhiggay dhowr dhalinyara ah oo ay la shakiyeen.

