Mareykanka oo ka digay Weeraro Al-shabaab ay geystaan Dowlad Deegaanka

0

Mareykanka ayaa ka digay weeraro Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Ethopia.

Taliyaha xilka ka tagaya ee Taliska Mareykanka ee Afrika, Jeneral Stephen Townsend oo hortagay waaxda difaaca Maraykanka, ayaa warbixin ka siiyay weeraradii u danbeeyay Shabaab ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay abaabulayaan bilaha soo socda qorshe ay mar kale weeraro uga geysanayaan gudaha Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in muhiim ay tahay in laga feejignaado duulaanadaasi cusub.

Dagaal todobaadyo socday ayaa dhexmaray Ciidamadda Etopia iyo kuwa Dowladd Deegaanka Soomaalida Ethopia.

Maamulka Ismaamulka Soomaalida Ethopia ayaa sheegay in Al-shabaab ay jab xoogan ay gaarsiiyeen,islamarkaana ay qabteen maxaabiis badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here