Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Godyaanyo ee Koonfurta Gobolka mudug
Ciidamada ayaa howlgalkaan ku burburiyay gaari walxaha Qarxa ay ka soo buuxiyeen Al shabaab, sidoo kale ciidamada ayaa howlgalkaas ku dilay xubno ka tirsan Alshabaab.
Saraakiisha Daraawiishta iyo kuwa deegaanka Qararow ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay inay howlgalkaan xalay saqdii dhexe dhacay.
Ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa laba jibaaray qorshaha lagu ciribtirayo Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

