Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay arinta ceyrinta wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira oo dhawaan ra’iisul wasaare Rooble uu u jaray warqadda aan dalka looga baahneyn.
Waxa uu sheegay in marnaba aysan suuragali doonin in dalka uu kusoo laabto Francisco Madeira.
“Madeira oo ah qofka la garanayo ayaa dalka dib ugu soo laabanayo kana sii ahaanayo Danjire wax dhacaayo ma aha, iyaguna way garan karaan, waana arki doontaan haddii aysan noqon saacadaha soo socda in maalmaha soo socda sheekadaas way iska dhammaaneysaa” ayuu yiri Ina Maxamed Nuur.
Isagoo ka qeybgalayay barnaamij gaar ah ayuu sheegay in dalka ay maamusho Xukuumadda soomaaliya sidaas darteed amarkeeda la qaadanayo.
Dhanka kale waxa uu sheegay in rajadda kaliyah ee haatan jirta ay tahay dhaarinta Xildhibaanadda Golaha Shacabka hadey taasi ay dhacdana dalka ka bixi doono xaaladda culus.
“Dalka Soomaaliya haddii ay suurtogasho oo Xildhibaannada la doortay ay dhaartaan waxa aan aaminsanahay in 90% lagu guuleystay kala guurka, haddii ay dhici wayso maalinta loo asteeyay oo ah 14ka Bishaan waxa aan aaminsanahay in aan ku jirno khatar weyn balse waxa aan ku rejo weynahay in aysan dhicin si dabinada looga hortago, Dadkaan aan waxba ka duwaneen ismiidaamiyaasha suunka isku soo xira waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa in wadajir aan uga hortagnaa” ayuu yiri Wasiirka amniga.

