Muuse Biixi oo Sharaxay Wadahadalkii Telefoonka Farmaajo iyo Rooble

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay furitaanka wajiga 1aad ee qaaraanka Suuqa Hargaysa ayaa u mahadnaqay dhamaan madaxdii uga soo tacsiyaysay masiibadii suuqa Waaheen, wuxuuna sigaara u xusay madaxda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Biixi, ayaa sheegay in ay lasoo hadleen madax tirro badan markii masiibadu dhacday kadib, wuxuuna sheegay in dhamaan Dhowr iyo afartan dowladood ayay madaxdoodu iga soo tacsiyaysay urruradana hadal kooda daa.

Muuse oo si gaara u xusay madaxda dowlada Faderaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay lasoo hadleen, una soo tacsiyeeyeen isaguna uu u mahadnaqay.

“Muqdisho labada madaxda u ahi way ila soo hadleen madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu, madaxweynaha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wuu isoo wacay, wuu iga tacsiyadeeyay, waan u mahadnaqay, waxaa isoo wacay ra’iisal wasaaraha, waa tacsiyadeeday waa uga mahadnaqay” ayuu hoosta ka xariiqay.

Hoggaamiyaha Somaliland ayaa sheegay in kadib markii uu ra’iisal wasaare Rooble lasoo hadlay, uu ku wargaliyay in uu usoo dirayo lacag uu Baanka Adduunku Somaliland usoo diray oo muddo ku xanibnayd qasnada dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sannadkii hore mar uu ka hadlayay munaasibada 26 Juun, sheegay in ay qasnada dowlada Soomaaliya ku xanibantahay ku dhawaad 70 milyan oo adduunku ugu talo galay horumarinta Somaliland balse hada waxaa la siiyay ku dhawaad 12 Milyan oo dollar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here