Alshabaab ayaa beeniyay iney qorsheynayaan Dilka Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble,

0
Alshabaab ayaa beeniyay iney qorsheynayaan Dilka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble ,Sido kale waxa ay iska bari yeeleen in uu katirsan yahay nin lagu Magacaabo Maxamed Maahir oo ay NISA sheegtay inuu yahay ninka Raba inuu isku Qarxiyo Madaxda Sare ee Dalka.

Sarkaal katirsan Shabaab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afkooda ayaa sidaan yiri.

Sarkaalka oo aan magaciisa u qarinay arrimo amni daraadeed ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray sirdoonka DF-ka, wuxuu is waydiiyay xilliga ay NISA awoodda u yeelatay inay sii ogaato hawlgal heer sare ah oo ay ‘Mujaahidiintu’ ku beegsanayaan mas’uuliyiinta DF.
“Waa wax aad loogu qoslo runtii,Nisa waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn dowladda, Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen” ayuu yiri sarkaalka ka tisan Amniga Al-Shabaab.
Sarkaalka la hadlay warbaahinta Shabaab ayaa sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Mujaahidiinta, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.
” Hadalka kasoo yeeray sirdoonka ridada wuxuu noola muuqdaa mid salka ku haya mushkilad dhexdooda ah oo ay NISA diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda Dowladda” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka ka tirsan Amniga Al-Shabaab kaas oo shaaciyay in waqtiga lagu soo aadiyay hadalkaas iyo qaabka uu u qoranyahayba ay tilmaamayso xubno gaar ah oo iyagu dareensan halista kusoo wajahan balse aanan lahayn awoodii ay iskaga difaaci lahaayeen halistaas ama ay si cad ugu shaacin lahaayeen inta aysan albaabka usoo gar-garaacin sida uu sarkaalku hadalka u dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here