NISA oo Sheegtay in Dil Loo Qorsheeyay MW Farmaajo iyo Rooble

0

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay digniin aan caadi eheyn, taasoo ay ku sheegtay inuu socdo qorshe kooxda Al-Shabaab ay ku dooneyso iney ku disho madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul waaaare Rooble.

Qorshahaan waxaa fulinaya sarkaal ka tirsan Shabaab oo Lagu Magacaabo Maxamed Maahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin.

Sidoo kale waxa uu sheegay Rooble in jiro qorshe isaga lala damacsan yahay in lagu khaarijiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here