Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xirey qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadooyinka xiran waxaa kamid ah inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka ilaa km4, Warshadda Caanaha,Wadada hormarta Kuliyadda Jaalle Siyaad, wadada Warshadaha ilaa Isgoyska Ex-koontorool Afgooye.
Goobahaan waxaa lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxayna gaadiidka u diidayaan in wadooyinkaas isticmaalaan.
Ilaa haatan lama oga sababta loo xirey wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

