Doorashadda Kursiga HOP58 oo Arrimo amni loo Baajiyay oo Saakay La Qabanayo

0

Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacaysa doorashadda kursi kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga Sumadiisa ay tahay HOP058 ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dooranayaa Magaaladda Baladweyne sida ay xaqiijiyeen guddiga doorashooyinka.

Kursigaan ayaa waxaa u sharaxan ilaa 7-Musharax ay kamid yihiin  Madaxweynihii Hore ee Hir-shabeelle Cali C/laahi Cosoble, iyo agaasimihii Hore ee Hay’adda NISA C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe.

Musharixiinta u taagan kursigaan ayaa kala ah

Ubah Ali Shegow

Abdullahi Ahmed Hussein

Mohamud Afdhub Makaran

Abdulkadir Hussein Olow

Ali Abdullahi Osoble

Eng Yoonis Mohamed Noor

Amb Abdullahi Mohamed Ali Sambaloolshe

Doorashadda kursiga HOP058 ee Golaha Shacabka ayaa noqon doonto doorasho adag,madaama xubnaha tartanka ku jira ay yihiin kuwa saameyn ku leh siyaasadda.

Maalintii axad oo shalay aheyd ayaa lagu waday in la qabto doorashadda kursigaan,balse arrimo amni ayaa loo baajiyay kadib markii  Laamaha amaanka lagu soo wargaliyay in goobta doorashadda bartilmaameed ay tahay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here