Wararka ka imaanaya Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saakay la wareegeen xarunta Lama-galaay ee lagu qabanayay mudooyinkaan doorashada Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya.
Arintaan ayaa timid kadib markii ciidamadaan oo kasoo jeeda beesha iska leh kursiga Hop059 ee Golaha shacabka ay ka godoodeen in kursiga loo xiro shaqsigii ku fadhiyay shanti sano aynu soo dhaafnay.
Xildhibaanadd Samiira Xasan Cabdulle ayaa shanti sano aynu dhaafnay ku fadhisay kursigaan waxaana socda qorshe kursigaan loogu xiraayo si mar kale ay dib ugu soo laabato Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Samiira Xasan Cabdulle ayaa si weyn u taageersaneyd Muddo kordhintii Madaxweynaha muddo xilkeedakiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxayna taageero u aheyd Villa Soomaaliya balse markaan waxa ay la kulmaysaa loolan adag.
Sidoo kale shalay waxaa dib loo dhigay doorashadda Kursiga HOP058 kadib markii la helay fariimo sheegaya in qaraxyo ay magaaladda ka dhici rabaan.



