Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacaysa doorashadda kursi kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursiga Sumadiisa ay tahay HOP058 ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dooranayaa Magaaladda Baladweyne sida ay xaqiijiyeen guddiga doorashooyinka.
Kursigaan ayaa waxaa u sharaxan ilaa 7-Musharax ay kamid yihiin Madaxweynihii Hore ee Hir-shabeelle Cali C/laahi Cosoble, iyo agaasimihii Hore ee Hay’adda NISA C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe.
Musharixiinta u taagan kursigaan ayaa kala ah
- Ubah Ali Shegow
- Abdullahi Ahmed Hussein
- Mohamud Afdhub Makaran
- Abdulkadir Hussein Olow
- Ali Abdullahi Osoble
- Eng Yoonis Mohamed Noor
- Amb Abdullahi Mohamed Ali Sambaloolshe
Doorashadda kursiga HOP058 ee Golaha Shacabka ayaa noqon doonto doorasho adag,madaama xubnaha tartanka ku jira ay yihiin kuwa saameyn ku leh siyaasadda.

