Al-shabaab oo Weeraray saldhigga ciidanka Puntland ee deegaanka Af-Urur.

0
Raid on the apostate encampment at Af-Urur - 100KW SW of Bosaso

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen saakay saldhigga ciidanka Puntland ee deegaanka Af-Urur.

Weerarka oo ahaa mid qorshaysan ayay dagaalyahanadda Al-shabaab waxay Saldhiga kaga qaadeen dhowr jiho,waxayna sheegeen inay cagta mariyeen xerada, halkaasna ku dileen ciidamo fara badan.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalka inta uu socday lagu dilay dhowr askar oo ka Tirsanaa Ciidamadda Puntland,islamarkaana lagu qabsaday qaar kamid ah gaadiidka dagaalka.

Weerarkii labaad oo Al-Shabaab ay ku qaado xerada Af-Urur, waxaa xusid mudan in sidan oo kale ay Al-Shabaab ay horay u beegsadeen xeradan iyagoo ku dilay askar badan hub iyo gaadiidna ka soo qaatay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka Af-Urur.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here