Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ahlusuna Waljameeca,ciidamadda Maamulka Galmudug iyo ciidamo ilaalo u ah Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).
Dagaalka ayaa ka dhacay aagga deegaanka Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Magaaladda Dhuusamareeb.
Sida la xaqiijiyay,ciidamadda Ahlusuna ayaa jidka u galay Kolonyo ciidamadda Galmudug iyo kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadda dagaalamay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirqool loo magaleeyay ciidamadda Dowlada iyo kuwa ilaaladda saadaq Joon,loona sheegay in ciidamo ay kasoo goosanayaan dhanka Ahlusuna.
Balse qorshaha ayaa isbadalay,waxa rasaas lagu furey ciidamadii Galmudug iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Sida la xaqiijiyay khasaaraha ilaa haatan la ogyahay waxaa goobta lagu dilay 4 askari, halka lagu dhaawacay 6 kale, askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay dhamaantood waa ilaalada xildhibaan Saadaq Cumar Xasan, waxaana laga gubay gaari Cabdi bile ah oo ay wateen.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Galmudug oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Magaaladda Dhuusamareeb.

