Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag kaga hadlay qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne, iyo dilkiI Xildhibaanadd Aamino Maxamed Cabdi.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay ka dambeysay qaraxyadii iyo dilkii Xildhibaanadd Aamino Maxamed Cabdi.
“Ma caadi baa in dadka dhaliila Villa Soomaaliya ay dilaan Alshabaab? Miyaan aqbalnaa tan oo aan ka dhaqaaqnaa? Waa ayo Alshabaab hadda? Kani waa dil ay fullisay Villa Soomaliya, Wax ka yar ma jiro. Allaah naxriistiisa haku siiyo”.ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

