Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Xerada Xalane oo fariisin u ah Ciidamadda AMISOM,iyo saraakiisha Qaramadda midoobay.
War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-shaabab ay weerar ay ku galeyn xarunta Xalane,islamarkaana iyagoo aan la fileyn toogasho ka bilaabay xafiisyadii UN ka iyo kuwa reergalbeedka.
“Weerar inqimaasi ah ayaa lagu qaaday gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho kadib markii dagaalyahano aad u qalabeysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar inqimaasi ah ku qaadeen Xaradaasi, dagaalyahanada ayaa si xeeladeysan ku galay xarunta, kadibna iyagoo aan la fileyn toogasho ka bilaabay xafiisyadii UN ka iyo kuwa reergalbeedka, waxaana wararka hordhaca ay sheegayaan in la dilay saraakiil dhowr ah oo cadaan iyo madow isugu jira”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaqiijiyey in ciidankooda ay ku sugan yihiin gudaha xerada islamarkaana ay badqabaan dhufeysana ka sameysteen gudaha xerada.

