Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray weerarkii dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha aadan cadde ee Magaaladda muqdisho,gaar ahaan xarunta Xalane.
“Howlgal Amni xaqiijiin ah ayaa ka socda Albaabka Marina Gate ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Adan Cadde.
Ciidamada Ammaanka ayaa baacsanaya laba dhallinyara ah oo isku soo dhexqariyay shaqaalaha muruqmaalka ah ee ka xoogsada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo bastoolado ku hubeysnaa kadibna markii ay soo gaareen Koontaroolka Koowaad ee lagu baaro dadka iyo gaadiidka bilaabay in ay xabado ku ridaan ilaaladii ku sugneyd goobta.
Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in laga hortagay dhagartii ay soo maleegeen Shabaab.
“iyagoo shaqaaladaha garoonka isku ekeysiinaya ayaa soo weerareen Koontaroolka laga soo galo garoonka ee Mariinta Geyt, bastoolado ayay ku hubeysnaayeen, waxaa halkaas ku yaalla goobo ganacsi oo u badan dukano dad shacab ah ay leeyihiin” ayuu yiri Gen Xijaar.
Waxii warar ah ee kasoo kordha howlgalka Ciidamada Ammaanka waan idinla soo wadaagidoonaa.

