Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday Xiradda Xalane iyo qeybo kamid ah garoonka diyaaradaha aadan Cadde, ee Magaaladda Muqdisho.
Weerarka waxaa fuliyay dagaalyahano ka Tirsan Xarakaddda Al-shabaab oo watay dharka ciidamdada Malatariga Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo kasoo galay dhanka Marina Gate.
Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa la sheegay in qarax ay kusoo dhufteen kontoroolka Marina Gate,islamarkaana qaab lug ah ku tageyn xarunta Xalane oo fariisin u ah ciidamdda AMISOM iyo Hay’addaha caalamiga ah.
Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay weerarka lagu qaaday Xalane.
Dhanka kale Ciidamo Haramcad iyo Gorgor ah oo gudmad ahaan ku baxay ayaa ku biiray dagaalka, waxaana xaaladu wali ay tahay mid adag.

