Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne” oo dhawaan ay mas’uuliyiinta Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka baxsaday magaalada Hargaysa oo uu degenaa ayaa wareysi bixiyay ku sheegay in ku sugan yahay deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab.
Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay maamulka Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yiri.
Sheekh Aadan Suna ayaa sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

