Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay taageeraadda ay siiso Soomaaliya, oo isugu jirta amniga, xasiloonida, iyo gargaarka biniaadanimo.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in Washington ay ka go’antahay in ay taageerto soo nooleynta Soomaaliya si ay u noqoto dal xasiloon, nabad ah, oo dimoqraadi ah.
“Iyadoo loo marayo bixinta gargaarka bini’aadantinimo, amniga, iyo horumarinta, waxaan sii ahaanaynaa deeq bixiyayaasha ugu weyn ee Soomaaliya,iyada oo ay socdaan doorashooyin maxalli ah oo uu maalgeliyay Mareykanka balse aan weli la soo gabagabeyn” ayuu yiri Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysaneysa in Mareykanka uu yahay hormuudka kaalmeynta dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo dhanka kale cambaareysay kuwa isku dayaya inay aamusiyaan dadka dhaliilsan sababo la xiriira aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

