Guddiga Hirgalinta Doorashada Maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Ergada (GXE) iyo Jadwalka cusub ee labada kursi oo kamid ah Kuwa Golaha Shacabka ee ka imaanaya magaalada Beledweyne.
Sidoo kale Guddiga ayaa shaaciyay xiliga la qabanaayo doorashadda labadda kursi ee kala ah HOP63, IYO HOP011.
“Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle waxa uu shaacinayaa Guddiga Xulista Ergada (GXE) iyo Jadwalka cusub ee labada kursi ee hoos ku xusan,jadwalkii cusub Waa sida tan; 21/03/2022. Diiwaangelinta ergada iyo Murashixiinta,22/03/2022: qabashada doorashada”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.


