Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban SEIT Jubbaland ayaa shaaciyay guddiga xulista Ergooyinka kuraasta #HOP029 & #HOP124.
Guddiga ayaa ku wargaliyay musharraxiinta labadaan kursi in ay Maanta yimaadaan xafiiska guddiga doorashooyinka Jubbaland si loo diiwaan galiyo.
Kursiga #HOP124 oo uu ku fadhiyay C/raxmaan Dheere oo ah saaxibka Taliyihii hore ee muranka badan dhaliyay ee NISA Fahad Yaasiin ayaa kursigan ku soo laaban doonin,waxaa loo wadaa kursigan nin lagu magacaabo Maxamed Anaadiif oo horay ugu fadhiyay kursigan xilligii Dowladdii KMG ee Mbaghati.


