Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16-aad ee Danab ayaa howlgallo qorsheysan ku diley Saraakiil ka Tirsanaa Alshabaab
Ciidamada Jubbaland iyo guutada 16aad ee Danab ayaa siwadajir ah howlgallo qorsheysan uga fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo ee gobolka Jubbada hoose.
Deegaanadan oo gabbaad u ahaa haraadiga Alshabaab ayaa inta ay howlagalladu socdeen waxaa Shabaab lagaga diley labo horjooge halka lagaga qabsadey gaari nooca Succeed-ka ah, 2 Qori oo AK47 ah iyo tiro miinooyin ah oo ay ugu talagaleen inay shacabka Soomaaliyeed ku gumaadaan.
Sidookale intii ay howlgalladu socdeen ayay ciidamadu waxay raashin iyo biyo gaarsiinayeen shacabka abaartu saameysey ee deeganadaas ku nool kuwaas oo uga mahadceliyey ciidanka sida ay gurmadka ula soo gaareen shacabkooda oo kujira waqtigii ay ugu baahi badnaayeen.





