Mareykanka oo Kordhinaya Cunaqabateynta Shaqsiyaadka Soomaalida

0

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale sheegtay in ay kordhin doonto xayiraadda la saarayo tiradda shaqsiyaadka Soomaalida ee caqabada ku ah doorashadda Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken oo qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay si dhow ula socdaan xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka Xildhibaanadda Golaha shacabka  ee lasoo gaba-gabayeeyay.

” Maraykanka waxa uu si weyn u taageerayaa dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, Waxaan kordhinaynaa tirada shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee lagu hayo xannibaada fiisaha”.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay iny xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay mas’uuliyiin hadda ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa horay uga tirsanaa oo lagu eedeeyay carqaladeynta geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay marar badan walaac ka muujisay dib u dhacyada iyo habraaca doorashada Soomaaliya iyo sameynta ballaaran ee ay ku yeelan karaan dimuqraadiyadda iyo xasiloonida dalkaasi.

“Waddada ugu wanaagsan ee Soomaaliya nabad waarto ay ku hanan karta waa dhammeystirka doorasho la isku halleyn karo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha dalkaasi ee xaddidaya soo saarista fiisaha dal-ku-galka madaxada hadda xilka hayso iyo kuwi hore ama shakhsiyaadka kale ee la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, tallaabba kasta oo wax u dhimeysay geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here