Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war ay soo saartey waxey ku taageertey go’aanka guddiga doorashada heer federaalka ee Dowladda Soomaaliya.
Mareykanka ayaa soo dhaweeyay xubnaha xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 14-ka bisha April.
”Waxaan rajaynaynaa in aan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib markii la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon”.ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigey barta Twitterka ee safaarada Maraykanka.
Guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya, ayaa soo saarey bayaan qeexaya jadwalka dhameystirka doorashada Soomaaliya.
Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

