Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafadda Bangala Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Gaari kuwa raaxadda ah ayaa lala eegtay Qaraxa oo uu watay maamulihii Iskuulka Deyniile Daahir Xasan Tooxow oo ku magac dheeraa Daahir Digdigle.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa mid gaairiga ku xinaa, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.
Ilaa haatan lama oga sababta loo beegsaday Maamulaha oo si weyn looga yaqaananay Degmadda Deyniile.

