Maxkamada dambiyada dalka Britain  oo Maanta Xukun ku Riday Wiil da’yar oo Soomaali ah.

0

Wargeyska daily mail ee kasoo baxa dalka ingiriiska ayaa qoray in maanta xukun xabsi ah lagu xukumay Abdullah Ahmed Jama Farah oo 15 sano jir ah kaasi oo la sheegay in uu doonayey ku biirida islaamiyiinta daacish waxaana lasoo qabtay wiilkaasi soomaalida ah isaga oo u safri rabay dalka Syria.

Nuur xasan oo saaxiib la ah wiilkaan ayaa ku caawinayey ku biirida daacish kaasi oo horay isagana ugu safray dalka Syria. ee bariga dhexe.

Gudoomiyaha maxkamada Britain Michael Topolski, ayaa sheegay cabdullaahi in uu yahay dambiile balse aan hada xabsiga uusan wajahi doonin ilaa iyo uu kasoo gaaro da,da qaan gaarka maadama uu hada aad u da,yar yahay oo uu jiro 15 sano.

Cabdilaahi ayaa ilmo abti ay yihiin labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Salma iyo  Zahra Halane, kuwaasi oo bishii june ee sanadkii 2014 katagay magaalada manshester una safray Syria ugu dambeena waxaa la xaqiijiyey in ay ku biireen kooxda daacish.

Sirdoonka ingiriiska ee MI5 waxaa ay dhawaan heleyn macluumaad sir ah oo ku aadan in dhalin yaro badan oo soomaali ay doonayaan in ay ka tagaan ingiriiska kuwaasi oo qorsheenaya ku biirida daacish oo kakala dhisan Syria iyo ciraaq..

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here