Maxkamada dalka mareykanka ayaa xukuntay muwaadiniin soomaaliyeed oo looheestay in ay taageerayeen kooxo islaamiyiin ah oo mareykanka u aqoon sanyahay ururo argagaxiso.
Ilaa iyo 5- dhalin yaro ayaa maxkamada sare ee fedaraalka dalka mareykanka ay xukumo ku riday kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay taageerayeen ururka daacish ee ka dhisan dalka Syria.
Dhalinyarada la xukumay waxaa ka mid ah cabdirizaaj maxamed warsame oo ku dhashatay dalka Mareykanka.
Cabdirizaak ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii lagu eedeenayey in uu damacnaa in safar uu ku tago dalka Syria si uu uga mid noqdo kooxda daacish ee dalka Syria.
Andrew M. Luger waa xeer ilaaliyaha maxkamada federaalka gobolka Minnesota ee dalka mareykanka waxaa uu sheegay in cabdirizaak iyo afar dhalinyaro ee lala xukumay ay taageero kala duwan u fidiyeen kooxda daacish oo ay ku jirto lacago kooxda loo diray, waxaana xeer ilaaliyaha uu cabdirizaak sigaar ah ugu eedeeyey in uu la kulmay xubno ka tirsan kooxda daacish.
Xukunada lagu riday dhalinyaradaan inta ay la ektahay lama cadeenin inkastoo la filayo in dhalinyada qaar ay ku rido xukuno dheer madaama lagu eedeeyay taageerida kooxaha islaamiyiinta.
Hay-ada dambi barista mareykanka ee loo yaqaan CIA ayaa sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii dhalinyarada soomaalida ee ku biirtay daacish kuwaasi oo ka tagay mareykanka ay dhan yihiin 22 dhalinyaro.

