Wasaaradda arrimaha dibada ingiriiska ayaa soosaartay warsaxaafadeed loogu digayo muwaadiniinta ingiriiska in aysan safaro ku kala bixin guud ahaan dalka soomaaliya , waxaana wasaaradda arrimaha dibada dalkaasi ingiriiska ay sababta ku sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen hanjabaada ka dhanka ah reer galbeedka.
Waxaa sidoo kale wasaarada arrimaha dibada dalka ingiriiska ay digniinteeda ku tiri in muwaadiniinta jooga soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan iskaga soo baxaan dalka .
Warsaxaafadeedkaan oo aad u dheeraa ayaa digniinta dhanka amaanka quseesa ee loo soo bandhigay muwaadiniinta ingiriiska lagu yiri in magaalada muqdisho ay ka jirto halis dhanka amaanka ah iyo guud ahaan gobolada dalka taas badalkeedana muwaadiniinteena ha xushmeeyaan digneentaan cusub ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soosaartay dowlada ingiriiska.
Waxaa kaloo muwaadiniinta ingiriiska fasax loo siiyey in ay tagi karaan magaalada hargesa ee ka tirsan dalka soomaaliya taasi oo lagu sheegay in ay tahay amaan.
Weeraradii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay iyo weerarkii qaraxa ee isbuucii hore lala eegtay diyaarada daallo airlines ayaa dowlada ingiriiska ay ku sheegtay halis ba,an oo amaanka soomaaliya sii xumeeysay.
Waxaa kaloo ku jira dalalka muwaadiniinta ingiriiska looga digay in aysan safaro ku bixin dalalka kala ah :-
Benin
Mauritius
Saudi Arabia
Maldives
Niger
Belarus
Liechtenstein
Somalia
Armenia
Sri Lanka
Moldova
Guinea-Bissau
Senegal
Guinea
Côte d’Ivoire
Gambia
Germany
Jordan
Lebanon
Gibraltar

