Howlgal laga Sameeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa shalay ilaa xalay laga sameeyay Howlgalo lagu soo qab-qabtay dad aad u fara badan oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen falalka amni daro ee ka dhacayay Gudaha Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil ka Tirsan ciidamada Maamulka Juba-land oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka intii badan laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose isla markaana lagu soo qab-qabtay dhalinyaro lagu tuhmaayo in ay qeyb ka ahaayeen kuwa falal amni daro ka sameeya Gudaha Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Magaalada Kismaayo waxaa shalay ka dhacay qarax miino oo lala eegtay gaadi ay la socdeen ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Maamulka Juba-lan. iyadoo la sheegay in uu soo gaaray qasaaro iyo dhimasho iyo dhaawac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here