Kulan u dhaxeeya Madaxda Maamulka Puntland iyo beesha Caalamka oo Maanta ka Furmaya Magaalada Garoowe

0

Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland waxaa Maanta ka Furmaya kulan  u dhaxeeya Madaxda Maamulka Puntland iyo madax ka socota beesha caalamka uu hogaaminaayo denjiraha qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaliya.

Wafdi uu Hogaaminaayo, Danjire Michael Keating ayaa waxaa ka mid ahaa Danjiraha Maraykanka Ambassador David KAEPER, Danjiraha Midowga Yurub Ambassador Tom VENS,  Danjiraha Ingiriiska Ambassador Harriet MATHEWS, Danjiraha Talyaaniga Ambassador Fabrizio MACHELLI , Danjiraha Iswiidhan Ambassador Mikeal  LINDVALL,  Danjjiraha Midowga Afrika Hon Laydia WANYOTO MUTENDE(Deputy SRCC), Danjiraha IGAD Ambassador Mohamed AFFEY iyo  Danjiraha Itoobiya Ambassador Jamaludin Mustafe.  Ayaa shalay wada gaaray Magaalada Garoowe iyagoona maanta ka qeyb gali doono kulan sadax bari socon doona oo lagu qancinaayo madaxda Maamulka Puntland in ay  aqbalaan doorashada soomaliya ka dhacaysa ee laga dhigay nidaamka 4.5.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ay mar walba ka shaqeyn doonaan aayaha dadka reer Puntand isagoona tilmaamay in waxyaabo faaido ah  ay ka rajeynayaan in ka soo baxaan kulanka maanta ka furmaya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan kasoo horjeystay in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka in  lagu saleeyo nidaamka 4.5.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here