Saldhigyo Ciidan oo  ay ku Sugnaayeen al-shabaab oo la Duqeeyay

0

Diyaaradaha dowlada Mareykanka ee loo yaqaano drones-ka ayaa duqeymo ka Fuliyay  degmada qorxooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Koofurta dalka soomaliya.

Diyaaradha duqeynta Fuliyay ayaa la sheegay in  ay Bartilmaameedsadeen Goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka Tirsan xarakada al-shabaab oo ku yaala degmada Qorxooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqaynta hore, ka dhacday deegaanka Dhiig Beerta, oo qiyaastii 15km u jirta Degmada Qoryooley, ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo duqaynta labaadna ay ka dhacday inta u dhaxeyso Xero 1-aad iyo Xero 2-aad.

Dadka degmada qorxooley oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeymaha inta badan laga maqlay deegaanada hoos Yimaada degmada qorxooley ee Gobolka shabeelaha Hoose iyagoona hadalkooda ku daray in diyaarahada ay bartilmaameed ka dhigteen saldhigyo ay ku sugnaayeen al-shabaab.

Dhanka kale Lama ogo qasaaraha dhabta ee ka dhalatay duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dowlada Mareykanka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here