Baarlamanka Soomaliya oo Xukuumadda dib ugu Celiyay Sharciga Golaha adeega garsoorka

0

Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshtay xarunta Golaha shacabka soomaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa shir  Gudoominaayay Guddoomiyaha Baarlamanka soomaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka kulanka maanta waxaa soo xaadiray 142 mudane.

Mudanayaasha baarlamanka soomaliya oo Maanta  ka doodayay ajendooyin kala duwan ayaa waxaa qaar kamid ah xildhibaanada baarlamanka soomaliya ay kasoo horjeysteen in aan  laga doodeen sharciga golaha adeega garsoorka oo ay ku sheegeen in uu yahay sharci aan dhameystirneen. Loona baahan yahay in dib loogu celiyo xukuumadda Soomaliya oo sharcigaan ka codsaday xildhibaanada in ay ansixiyeen.

Dood dheer Kadib Guddoomiyaha Baarlamnaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ajandaha laga saaray golaha adeega garsoorka, isla markaana dib loogu celinayo Xukuumadda Soomaaliya, si ay u soo dhameystirto golaha adeega garsoorka.

Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka ee Xildhibaanada oo qadarinaya habsami u socodka howlaha golaha shacabka waxa uu soo jeediyay in Qodobka 28aad Farqadiisa 1aad ee xeer hoosaadka oo u qorneyd sidan “Aqlabiyada tirada guud ee xubnaha golaha noqoneysa guntanka oo ah tirada kooramka 50+1,”

In loo qeexo sida soo socoto

Haddiise dastuurka Federaalku ama xeer hoosaadka golaha shacabka si kale loogu xusin:

Markii ay codeyn jirto guntanka golaha shacabka waxa uu ku ansaxayaa aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka (50+1)

Haddiise aan codeyn jirin guntanka (kooramka) waxa uu ku furmayaa (1/3) saddex meelood meel tirada guud ee xubnaha golaha shacabka.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here