Wasaaradda Maaliyada Soomaliya oo Soo dhaweysay Ansixinta Hindisihii ay u gudbisay Baarlamanka

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aaden Ibraahim Ferkeeti ayaa mudanayaasha baarlamanka soomaliya ugu mahadceliyay qaabkii ay u ansixiyeen hindisihii ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada ee ku aadanaa ka xubin noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta (Islamic Cooperation of Development) ICD.

Mudane Maxamed Aaden Ibraahim Ferkeeti oo warbaahinta la Hadlay  ayaa sheegay in wasaarada Maaliyada xukuumadda soomaliya ay waxyaabo badan ka faaido doonto ka xubin noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta oo baarlamanka soomaliya ansiyay dhawaan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa tilmaamay in Hay’ada Iskaashiga Islaamka iyo Horumarinta Ganacsiga ay xubnayaasha kamid ah ay ka  horumariyso dhiiri galinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, sidoo kale ICD ay kor u qaadayso asaaska, balaarinta iyo casriyeeynta ganacsiga gaarka loo leeyahya iyadoo u maraysa la talin dadka ku howlan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here