Wadahadalada Taalibaan iyo Afgaanistaan oo ku dhaw Fashil

0

Magaalada islamabaad ee xarunta dalka pakistaan oo uu ka socdo dadaalada nabdeed ee xalka loogu raadinayo colaadaha dalka afgaanistaan ayaa wararka laga helayo waxa ay ku waramayaan in shirkaasi uu ku dhaw yahay fashil iyo in madasha lagu kala dareero.

Waxaa shirka islamabaad uga socda afgaanistaan iyo taalibaan ay dad badan maanta filayeen in la isku fahmo hasayeeshee ma aysan dhicin, taa.

Garabka taalibaan shirka uga qeyb galaya ee dowlada afgaanistaan ka soo horjeeda ayaa sheegay in wadahalada ay iskaga baxayaan kadib markii go’aano ay u soo jeediyeen dowlada madaxweyne ashraf gaani aysan u hogaansamin.

Wadahaladaan oo pakistaan ay dhex dhexaadineyso ayaa markii ugu horeysay waxaa kasoo qeyb galay diblumaasiyiin shisheeye oo ka socda dalalka shiinaha iyo mareykanka.

Taalibaan ayaa muddo ka badan 14 sano dagaal kula jirta dowlada afgaanistaan oo ay taageerayaan xoogaga nato ee dalkaasi mudada dheer ka howl galaya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here