Faah-Faahin:- Dagaal Wali ka Socda Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa Tilmaamaya in uu wali Magaaladaas ka socda dagaal xoogan oo  u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaliya oo garab malatari ka helaya amisom iyo al-shabaab oo shalay la wareegay Magaaladas.

Qof kamid ah dadka deeganka Magaalada Marka ayaa idaaacada  simba u sheegay in gabi-ahaanba ay dadkii Magaalada ay ka baxeen ay haatan Magaalada ku dagaalamayaan ciidamada dowlada soomaliya kuwa al-shabaab.

Lama Ogo qasaaraha ka dhashtay dagaalka haatan ka socda Magaalada inkastoo ay soo baxayaan warar ku aadan in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Marka.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here