Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga africa ee amisom ay la wareegeen Magaalada Marka,
Magaalada Marka ayaa la sheegay in uu goor dhaweyd ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa al-shabaab oo xalay ku howday Gudaha Magaalada inskatoo haatan la sheegay in ay la wareegeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom.
Dadka Magaalada Marka oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Gudaha Magaalada ay xiligaan ku sugan Yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo dhawaan ka baxay Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose,
Wiixii kusoo kordha simbanews.com

