Real Madrid oo Hakisay Heshiis dhaxmari Lahaa Isco iyo Arsenal

0

Macalinka kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la sheegay in uu hakiyay heshiis uu xidiga Isco ugu dhaqaaqi lahaa kooxda arsenal Bishii Junuary. Sida maanta lagu qoray Majalada the Sun ee ingiriiska kasoo baxda.

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka dalka Spain ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinaayay ka dhaqaaqista kooxda Real Madrid madaama uu booskiisa joogtada ah uu ka waayay kooxda caasimada Spain ka dhisan.

Sidoo kale xidigii Hore ee kooxda Malaga ayaa lala xiriirnayaa  kooxda Manchester City ee ingiriiska ka dhisan madaama uu xiligaan maamulo macalinkii Hore ee kooxda Malaga Munuel Pelegrini.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here