Wakiilka Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mechel Cheating iyo Xubno uu hogaaminaayo oo ka socda QM ayaa barqanimadii maant gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
Wafdiga Mr keating ayaa waxaa magaalada kismaayo kusoo dhaweeyey hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed <Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkaasi.
Gaariddooda ka dib waxaa ay kulamo gaara ay la yeesheen madaxda maamulka jubbaland kaasi oo looga hdlayey arimo farabadan oo ku saabsan marxaladda dalka Soomaaliya.
Mechel Keating ayaa kulan la yeeshay madaxda Maamulka Jubbaland waxana mar uu ka hadlayey arimaha la xariira doorashooyinka dalka uu sheegay in dhawaan go’aankii kasoo baxay qaabka doorashooyinka dalka aysan ahayn go’aan ka yimid madxda Soomaalida balse lagu qasbay sida uu yiri wakiilka QM ee Soomaaliya.

