Maamulka Magaalada Marka oo digniin u diray Kooxo dilal u geysta dad rayid ah.

0

Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Xarunta Shabeelaha hoose Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Maamulku uu wado qorshe ay ku doonayan in ay ku soo qabqabtaan kooxo uu sheegay in dhawr mar ay dad rayid ah ku waxyeeleeyeen degmadaasi,kuwaasoo aan la aqoon halka ay sida rasmiga ah u hoostagaan iyo waliba ujeedka ay ka leeyihiin.

Guddoomiyaha ayaa waxaa intaa ku daray in dhawr qof oo ka mid ahaa dadka ku nool degmadaasi ay dileen kooxahaasi hubaysan.

waxaa sidoo kale uu sheegay in ka maamul ahaan ay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan kooxahaasi uu sheegay in ay dadka ku dhibaateeyaan Marka haddana Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Saraakiishuba ay wadaan baadigoobka kooxahaasi.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka ku nool degmada marka ee shabeelaha hoose in ay la shaqeeyaan ciidanaka dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here