Al-shabaab oo u Hanjabay Hay’adaha Samafalka iyo Kuwa Kenya ee ka Howlgala Mandheera.

0

Hay-adaha aan dooliga aheyn ee loo yaqaan NGO-yada ayaa bilaabay in ay iskaga baxaan magaalada mandera ewe gobolka waqooyi bari  kadib markii alshabaab ay warqado ay hay-adahaasi ugu han jabayaan ay ku daadiyeen magaalda mandera .

Guudoomiyaha magaaladaasi ayaa sheegay in hada ay hay-adahga ka baxayaan guud ahaan magaalada mandera .

Waxaa kaloo uu gudoomiyaha mandera sheegay in alshabaab ay warqadaha ay daadiyeen ay ku qornaayeen in ay weerar ku yihiin magaalada mandera, iyo xarumaha ay ku howl galkaan hay-adaha aan dooliga aheyn ee  mandera ka shaqeeya.

Alshabaab oo bishii lasoo dhaafay dilay askar badan oo kenyaan ah  ayaa hadda waxaa ay cabsi galinayaan hay-adaha NGO-yada ee mandera ka howl galo ayuu yiri  Fredrick Shisia oo ah gudoomiajha mandera.

Shalay ayaa magaaladaasi lagu qabtay ilaa iyo saddex gawaari oo siday raashin a sheegay in ay u wadeen deegaanka doolow oo alshabaab ay fariisimo kuleeyihiin sida Kenya ay sheegtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here