Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya mudane shariif xasan sheikh aadan ayaa kulamo la qaatay safiirka soomaaliya u fadhiya imaaratka carabta Mohammed Ahmed Othman Al xammadi.
Kulanka labbada masuul ay wada qaateen ayaa ka dhacay magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya shariif xasan sheikh aadan ayaa sheegay in kulankaan uu la yeeshtay safiirka imaaratka ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya maamulka koonfur galbeed iyo dowlada imaaratka carabta.
Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed waxaa kaloo uu dowlada imaaratka uga mahad celiyey taageerada dhaqaale iyo hormarinta soomaaliya iyo maamulka koonfur galbeed ay la garab taagan tahay.
Shariif xasan sheikh waxaa kaloo uu sheegay in safiirka imaaratka uu kala hadlay maal galinta dhanka hormarinta xoolaha nool, beeraha, iyo kaluumeysiga guud.
Dowlada imaaratka carabta ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha taageera soomaaliya, waxaa imaaratka carabta ay horay u sheeegtay in ay bixineyso qeyb ka midaa mushaaradka ciidanka qaranka soomaaliya.

