Dowlada Kenya oo soo Bandhigtay Gawaari Dagaal oo lagula dagaalamayo alshabaab.

0

Dowlada Kenya ayaa maanta waxaa ay soo bandhigtay gaawari Dagaal oo aad u badan kuwaasi oo Dowlada Kenya ay sheegtay in ay kula  dagaalameyso Al-shabaab.

Gaawridaan ay soo iibsatay dowlada kenya ayaa tira ahaan ka badan  30 gaadiid oo nuucoodu yahay kuwa gaashaaman ee loogu tala galay dagaalka.

Madasha gaadiidkaan lagu soo bandhigayey waxaa ku sugnaa Madaxweynaha dalka Kenya uhhrro Kenya oo kasoo laabtay  maanta dalka Ethiopia halkaasi oo uu uga qeyb galay shirkii lix iyo labaatanaad  ee madaxda Afrika.

Waxaa kaloo Madaxweynaha Kenya, ku wehliyey magaalada nairobi oo lagu soo ban dhigay  gaadiidkaan madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Taliyaha ciidanka booliska Kenya  Joseph Bionnet ayaa shaaciyey in gawaaridaan  Dagaal  la geyn doono soomaaliya, kuwaasi oo lagu wareejin doono ciidanka Kenya ee amisom ku jirta.

Wargeyska the star ayaa isagana qoray in  gawaarida  Dowlada Kenya ay kusoo iibsatay lacago badan .

Alshabaab iyo dowlada kenya ayaa waxaa u dhaxeeya Dagaal culus, waxaana alshabaab ay 15-kii bishii aynus oo dhaafnay weerartay sal dhigii ceel cadde ee ku yaalay gobolka geddo halkaasi oo ay ku dishay  tira badan oo ciidanka kenya ka mid ahaa.

Shalay ayaa sidoo kale alshabaab ay weerar ku qaadeen magaalada lamu ee dalka Kenya  halkaasi oo ay ku dileen ku dhawaad 3 ruux.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here