Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Baardheere oo Xalay la dhaawacay

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa Gudaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxa ay ku dhaawaceen  Mas’uul ka Tirsan Maxkamadda Degmada Baardheere,

Mas’uulka la dhaawacay ayaa ahaa  Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Baardheere,  Sheekh Ibraahim Nuur Shabcaan. Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Degmada Baardheere, C/raxmaan Maxamed Axmed,

Raga Hubeysan ayaa rasaas ku  furey ,  Sheekh Ibraahim Nuur Shabcaan xili uu kasoo baxay Masaajid ku ak dhawaa Hoygiisa oo ku yaalay meel aan ka Fogeyn masaajid waxaana haatan la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid soo hagaagaysa,

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Juba-land oo xalay goobta soo gaaray ayaa halkaas ka sameeyay howlgalo lagu baadi-gaabayo ragii ka dambeeyay dhaawaca  Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Baardheere, ee Gobolka gedo Sheekh Ibraahim Nuur Shabcaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here