Kooxda Barcelona ayaa wajihi doonta kooxda Valencia ciyaarta semi-final-ka koobka Boqorka dalka Spain ee Copa del Rey kadib markii isku aadkiisa la sameeyay maanta oo jimco ah,
Kooxda difaacanaysa koobkaan ayaa habeen Hore 3:1 kaga adkaatay celis ahaan kooxda Athletic Lugta Labaad ee koobkaan iyadoona 5:2 kaga soo baxday.
Macalin Luis Enrique ayaa wajihi doona Macalin Gary Neville’ kadib markii ay iska soo xaadireen Wareega Semi Finalka koobka Boqorka dalka Spain ee Copa del Rey
Dhanka kale kooxda Celta Vigo, ayaa wajihi doonta kooxda Sevilla kadib markii ay kasoo adkaatay kooxda Magaalada Madrid ka dhisan ee Atletico Madrid ciyaar Habeen Hore dhacday,
Lugta Hore ayaa lagu ciyaari donaa Garoomada Camp Nou iyo Ramon Sanchez Pizjuan bisha February 3, iyadoona Lugta labaad la ciyaari doono Isbuuc kadib

