Howlgal Qasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho.

0

Wararka ka Imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in howlgal qasaare badan dhaliyey Ciidanka Hay’adda nabadsugiddu ay ka sameeyeen deegaankaasi.

Howlgalkan oo sida la sheegay ahaa bartilmaameed ayey Ciidanka nabad sugiddu waxaa ay ka sameeyeen xaafado ku yaalla deegaanka Ceelasha halkaasi oo markii dambe ay israsaaseyn ku dhaxmartay Ciidankii Weerarka ahaa iyo waliba qolyihii ciidanka bartilmmaameedka u ahaa.

Wararka aan ka helayno deegaankaasi ayaa sidoo kale xaqiijinaya in howlgalku uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidankii howlgalka Waday iyo waliba kooxihii Ciidanku Weerareen.

2-ruux ayaa ku geeriyooday Weerarka oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan Nabad-sugidda Soomaaliya halka kan kalena uu ahaa kooxihii Ciidanku weerareen iyadoona dhaawac uu jiro walow aan l ogey

Howlgalkan ayaa yimid ka gadaal markii Ciidanku ay ka war heleen in xaafad ka mida deegaankaasi ay ku suganyihiin kooxo la sheegay in xilliga habeenkii ah ay dadka ku dhibaateeyaan deegaankaasi halka warar kalena ay sheegayaan in ay ahaayeen ragga la weeraray xubno ka tirsan Al-shabaab oo watay waxyaabaha qarxa iyo hub.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here