Dhageyso:- Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland  oo Taageeray Go’aankii uu qaatay Madaxweyne Gaas

0

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland  C/xakiin Xaji Cabdilaahi Xaji Cumar  “Camey”  oo maanta kula Hadlay saxaafada Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa  ugu baaqay beesha caalamka in ay faraha kala baxdo siyaasada soomaliya,

Mudane C/xakiin Xaji Cabdilaahi Xaji Cumar  “Camey”   waxa uu taageeray Go’aankii uu Madaxweynaha Maamulka Puntland dr C/wali Maxamed Cali Gaas uu ka qaatay nooca doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka kadib markii shalay madaxda dowlada soomaliya iyo qaar kamid ah madaxda Maamulka Goboleedyada ay isla garteen in doorashada laga dhigo nidaamka 4.5.

Dhanka kale C/xakiin Xaji Cabdilaahi Xaji Cumar  “Camey”   waxa uu madaxda dowlada soomaliya ku sheegay kuwa Muqdisho geeyay waxii ay rabeen in ay doorashada soomaliya ku saleeyeen nidaamka 4.5 oo ah mid aysan rabin shacabka deegaanada Maamulka Puntland,

Dhanka kale Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan sheikh Maxamuud Maxamuud Faroole oo dhankiisa Maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Garoowe ayaa soo dhaweeyay Go’aankii uu Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ka qaatay doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka kadib markii uu ka hor yimaaday in doorashada laga dhigo nidamaadka  4.5.

C/raxmaan sheikh Maxamuud Maxamuud Faroole waxa uu sheegay in Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ay qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay ku garab siinayaan in mar kale la doorto taasina ay keentay in uu madaxda uu ku qanciyo in doorashada laga dhigo nidamaaka 4.5

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland  C/xakiin Xaji Cabdilaahi Xaji Cumar  “Camey”  iyo madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland   ayaa imaanaya xili shalay galinkii dambe Magaalada Muqdsiho ay ku heshiiyeen madaxda dowlada soomaliya iyo qaar kamid ah madaxda Maamulka Goboleedyada dalka soomaliya ka jira

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here