Madaxweynaha dalka Kenya uhuuro Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee ka jooga soomaaliya uu san kala soo bixi doonin dalka soomaaliya xili uu ka hadlayey aas qaran oo loo sameeyey ciidankii Kenya uga geeriyooday ceel cadde.
“Ciidankeena kama soo bixi doonaan soomaaliya ilaa iyo alshabaab ay ciribtiraan waxaan sii wadi doona dhameestirka guusha howl galka amisom ayuu yiri uhuuro Kenyatta”
Kuwa ku fikiraya in ciidankeena laga soosaarayo soomaaliya ha iska iloobaan, ciidankeena soomaaliya aye kula dagaalami doonaan alshabaab ilaa iyo soomaaliya ay noqoneyso nabad ayuu yiri mar kale madaxweynaha kjenya.
Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkaan ka jeediyey magaalada eldoret oo uu uga qeyb galay aas loogu sameeyey ciidankii Kenya 15-kii bishaan looga dilay weerar alshabaab ay ku qadeen deegaanka ceel cadde oo ka tirsan gobolka geddo.

